Su'aalo Iyo Jawaabo Diini ah

32
Tuesday November 05, 2013 - 21:30:34 in by Super Admin
  • Visits: 17655
  • (Rating 3.4/5 Stars) Total Votes: 9
  • 25 12
  • Share via Social Media

    Su'aalo Iyo Jawaabo Diini ah

    Bismillah Al-xamdulilaah wasaalaatu wa salamu calaa rasulillah, wabacdu, waxaa farxad galinaya shabakadda alshaashi.so in ay idiin soo gudbiso qoraalkan kooban, run ahaantii qofkii si facan u akhriyaa kana fakiraa waxaa laga yabaa in ay natiijo fiica

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillah Al-xamdulilaah wasaalaatu wa salamu calaa rasulillah, wabacdu, waxaa farxad galinaya shabakadda alshaashi.so in ay idiin soo gudbiso qoraalkan kooban, run ahaantii qofkii si facan u akhriyaa kana fakiraa waxaa laga yabaa in ay natiijo fiican u soo baxdo.
Hadii aad suaalahan haa uga wada jawaabtid waxaa laguu rajaynayaa khayr, hadii ay badato maya waxaa lagaa rabaa in aad ku dadaashid meelaha aad ku liidatid.
Walaal haddana waxa aan halkan kugu soo gudbinaynaa su'aalihii.

Si sax ah ma u taqanaa macnaha kalmadda Tawxiidka ee La ilaaha illa Allahu Muxammadu rasulu Allahi? Ilaah xaq lagu cabudaa ma jiro oon Allah ahayn, Muxammadna waa Rasuulkii Allah
Shanta Salaadood si fiican ma u tukataa?
Ma soontaa Bisha barakaysan ee Ramadaan?
Ma la baxdaa Sadaqo, Zakase ma bixisaa?
ma Xajiday hadaad xoolo leedahay?
Ma aqrisataa Fariintii Alle- Al-qur'aan?
mase fahantay fahamkii Saxaabta oo kale?
Ma ku dayatay rasuulkeeni Calayhi salaam?
Ma iska Ilaalisaa Bidcada maalin kasta?
Ma ka fogaatay in aad ka mid noqotid Axzaabta maanta jirta?
ma tahay salafi ku Xiran Jiilkii hore ee saxaabada la jaanqaaday?
ma ugu yeertaa dadka Alle xagiisa?(inta aad cilmiga u leedahay)
ma fartaa dadka falalka wanaagsan?
ma ka rebtaa dadka falalka xun?
ma badisaa Xasuusta Alle?
Ma u diyaar garoowday la kulanka Alle?
Ma ku hamidaa Jannada Al-fardawsa Al-aclaa?
ma ka baqdaa galista naarta Al-jaxiima?
Ma ku salidaa Nabiga calayhi salaam?
ma ka ilaali saa quudkaada xaraanta?
ma yahay Hugaagu dhar islaam?
ma xaq dhawrtaa Dariskaada?
ma siisaa maskiinta cunto?
ma ka fakartaa sida aad ehelkaada iyo ubadkaada aad naarta oga badbaadin lahayd?
ma ka mid tahay Xizbiga Alle?
ma iska ilaalisaa Xizbiga Shaydaanka-waa wax kasta oo kala geynaya Muslimiintee?
ma ka warhaysaa muslimiinta xalkooda?
ma ka toobad keentaa Dunuubtaada?
Ma ka ilaalisaa Carrabkaada hilbka dadka- waa xantee?
ma tahay Shaqadaada ama kasabkaada xalaal?
ma u sahay qaadatay Aakhiradaada?
ma ka faa'idaysatay waqtiga aad cafimaad qabtid.?

Waxaa halkaa noogu dhamaaday su'aalihii ubahnaa jawaab dhab ah oo qalbiga ka timid.
waxaan Alle weydiisanaynaa in uu xaqqa nagu sugo oo naga yeelo kuwa ku camal falo amiin



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip